Codka Kaamamka:

Xaaladaha Nololeed iyo Helitaanka Adeegyada ee Kaamamka Qaxootiga Magaalooyinka Giriiga

Kooxda Macluumaadka Mobilka iyo Taageerada Sharci ee Qaxootiga

Luulyo 2024

 

Kooxda Macluumaadka Mobile-ka (MIT) iyo Taageerada dhanka Sharciga Qaxootiga (RLS) waxay sameeyeen cilmi-baaris ku saabsan xaaladaha iyo helitaanka adeegyada dadka ku nool kaamamka qaxootiga ee dhul weynaha Giriigga intii lagu jiray 2024. Natiijooyinka ayaa soo bandhigaya caddaymo xooggan oo ah in xaaladaha kaamamka Magaalooyinku ay aad ugu yaryihiin dhanka waajibaadka sharciga Giriiga si ay dadka u helaam adeegyada soo dhaweynta kuwaas oo ilaalinaya caafimaadka jireed iyo maskaxeed ee dadka doonaya ilaalinta caalamiga ah. Iyada oo aan ku saleyayno natiijooyinka warbixintan, waxa aanu ugu baaqeynaa Dawladda Giriiga inay dib u soo celiso barnaamijyada guriyeynta kuwaas oo dadka la siiyo guryo ama bangalooyin ku yaala badhatanka magaalooyinka.

Warbixintani waxay ku salaysan tahay waraysiyo la qaaday intii u dhaxaysay bilihii April iyo June 2024. Sodon qof oo degan sagaal kaam oo ku yaala dhul waynaha Giriiga: Korintos, Katsikas, Kavala, Koutsochero, Lagkadikia, Malakasa, Oinofita, Ritsona iyo Serres.